Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali (Sharma’arke) ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Gaalkacyo isagoo kulamo kala duwan la yeelan doona maamulka Puntland, waxaana safarkiisa uu salka ku hayaa waanwaan uu doonayo in lagu baajiyo dagaal weyn oo ka dhex qarxa maamulada Puntland iyp Galmudug.
Socdaalka Ra’iisal wasaaraha oo ahaa mid degdeg ayaa yimid kadib markii labada dhinac ay isku mari waayeen waanwaantii la dhex waday kadib markii madaxweyne C/weli Gaas uu diiday inuu joojiyo dhismaha wadada dhismaheedu ka socdo magaalada Gaalkacyo ee sababtay xiisada colaadeed.
Cumar C/rashiid ayaa doonaya inuu xaalada qaboojiyo kuna cadaadiyo C/weli Gaas inuu aqbalo waanwaanta nabadda iyo in la kala qaado ciidamada faraha badan ee lagu daabulayo magaalada Gaalkacyo. Lama oga sida Ra’iisal wasaaraha ugu guuleysan doono dadaalkiisa oo dad badan ay rajo ka qabaan inuu guuleysto.
Goobjooge.com