Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta ka degay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud oo xarun u ah maamulka Galmudug, isagoo halkaasi wadahadallo kula yeeshay madaxweynaha Galmudug C/kariib Xuseen Guuleed iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulkiisa.
Ra’iisal wasaaraha oo ay wehliyaan Wasiirka arrimaha gudaha C/raxmaan Odowaa iyo xildhibaano ka soo jeeda gobolka Mudug ayaa markii uu ka degay magaalada Cadaado kadib saxaafadda u sheegay in socdaalkiisu ku saabsan yahay sidii xiisada ka taagan magaalada Gaalkacyo loo dejin lahaa, isla markaana loo kala qaadi lahaa ciidamada is hor fadhiya oo waanwaan loogu dhameyn lahaa xaaladda, wuxuuna intaasi ku dartay in Galmudug ay ka aqbaleen arrintaasi.
Wafdiga Ra’iisal wasaaraha yaaa lagu wadaa inuu maanta gelinka danbe tago magaalada Garowe halkaasoo kuu kulamo kale kula yeelan doono madaxweynaha Puntland C/weli Gaas oo ay isla arrintan kala hadli doonaan, iyadoo maamulka Puntland ay hore ugu adkeysteen inay sii wadi doonaan qorshahooda jidka Gaalkacyo ee dagaalkaa dhaliyay.
Dadaalka Cumar C/rashiid ayaa dadaalkiisa kii labaad ee noociisa ah, iyadoo hore uu Puntland u tegay si uu madaxweyne C/weli Gaas ugu qanciyo inuu k asoo qeyb galo shirkii hiigsiga cusub ee aakhirkii July ka dhacay Muqdisho, iyadoo la ogaa inuu ku gacan seyray C/weli Gaas kadibna Nairobi u duulay iyadoo wafdgii Ra’iisal wasaaraha ay ku sugan yihiin Puntland.
Goobjooge.com