Friday, June 27, 2025

C/weli Gaas iyo Axmed Madoobe oo ku soo jeeda magaalada Gaalkacyo & shirkii waanwaanta oo furmaya

Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  ayaa ugu danbeyn ku qasbanaaday inuu tagi magaalada Gaalkacyo kadib markii in muddo ah diidanaa arrintan, waxaana lagu wadaa saaka inuu socdaalkiisa ku wehliyo  madaxwaynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan.

Madaxweyne Gaas ayaa si weyn u diidanaa tegista Gaalkacyo iyo inuu hor fariisto madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed, wuxuuna Ra’iisal wasaare C/rashiid u caddeeyay in guddiyo labada dhinac ka socda ay arrinta galaan.

Dhinaca  madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa shalay soo gaaray magaalada Gaalkacyo, wuxuuna kulan kula yeeshay dhinaca koonfureed madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan iyo xubno ka socday dowladda Federaalka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke, madaxwaynaha mamulka Koonfur Galbeed  Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Federaalka ayaa ku sugan magalada Gaalkacyo, iyadoo lagu wado in maanta uu furmo shirka heshiisiinta labada maamul.

Lama oga qaabka loo wadahadalsiiyo labada dhinac inay suuragal tahay in labada dhinac meel ka mida la isugu keeno labada madaxweyne laakiin waxaa muuqata in madaxda waanwaanta wada ay howl weyni hor taallo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON