Wednesday, June 25, 2025

Axmed Madoobe oo Addis looga yeeray xilli laga sugayay Magacaabidda Gole Wasiiro

Madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa maanta ka dhoofay  magaalada Kismaayo  isagoo ku sii jeeda magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya, siina maraya Nairobi.

Socdaalka Axmed Madoobe ayaa yimid, iyadoo laga sugayay  inuu soo magacaabo qaar ka mida Golaha wasiirada maamulkiisa oo muddo 5 bilood ah xukuumad la’aan ah, waxaana wararku sheegayaan inuu ku saabsan yahay Itoobiya oo u yeertay Axmed Madoobe oo la sheegay inay kala hadli doono dhismaha Golaha wasiirada iyo dacwad uu ka gudbiyay Shariif Xasan Sheekh Aadan madaxweynaha maamulka K/Galbeed oo ku saabsan maamulka ay xildhibaano ku heyb ah Axmed Madoobe ka dhiseen Gobolka Bakool.

 

Axmed Madoobe ayaa u sheegay saxaafadda inuu u baxayo danta Soomaalida iyo kan Jubbaland, isagoo intaas ku daray inuu culeys weyn saaran yahay Jubbaland, loona diyaar garoobo marti gelinta shirka Madasha Qaran ee 10-ka Bisha Janaayo lagu wado inuu ka furmo Kismaayo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON