Sunday, June 22, 2025

XOG: Maxaa kasoo baxay shirarkii Garowe ee Wakiilada Beesha Caalamka & Puntland..?

Wararka laga helayo magaalada Garowe ee xarunta Puntland ayaa sheegaya shirarkii halkaasi uga socday wafdiga beesha caalamka iyo madaxda dowlad goboleedka Puntland ay ku soo idlaadeen shir labaad oo dhex maray madaxweynaha Puntland C/weli Gaasi iyo Wakiilada Beesha caalamka, kaasoo ku soo dhammaaday natiijo la’aan, iyadoo wafdiga lagu wado maanta ka ambabaxaan Garowe.

Dhinacyadii odayasha iyo siyaasiyiinta Putland ayaa ka hor yimid in qaabka4.5 lagu dhiso Baarlamaanka soo socda ee Somaaliya, iyagoo dhinaca kale keeni waayay qaab kale oo Soomaalida wada qaadan karto.

Wafdiga Beesha Caalamka ee uu hogaaminaayo Wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating ayaa ku adkaystay inay Puntland qaadato go’aamadii Madasha wadashiga kadibna wada xajood ay ka gasho waxa laga yeeli doono doorashada xigta ee 2020-ka.

Ad

Wararka hoose ayaa sheegay in lagu balamay shirar kale oo arrintan laga yeesho, waxaana wakiilada Beesha caalamak ay si cad u gaarsiiyeen Madaxweynaha Puntland inay taageerayaan qaabka doorashada ee Madasha iyo dowladda Soomaaliya wada qaateen.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON