Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed Koonfur Galbeed ayaa maanta shaaciyay liiska 26 musharax oo u tartamaya 13-ka kursi oo ka mida kuraasta yaalla magaalada Baraawe ee caasimadda aan lagu sahqeyn ee maamulka Koonfur Galbeed.
Qoraalka Guddiga Doorashada K/Galbeed ayaa kursi kasta lagu qoray laba musharax oo kaliya, waxaana Musharaxiinta la diiwaangeliyay ee la siiyay shahaadada ay isugu jiraan xildhibaanno hore iyo kuwa cusub oo u dhow madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Xildhibaanbada ugu caansan ee laga reebay tartanka waxaa ka mida Maxamed Cumar Dalxa oo muddo dheer ila Baarlamaankii Carte ka mid ahaa Golaha Shacabka, soona noqday Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Federaalka.
Xildhibaannada kale ee laga reebay tartabka kuraastii ay ku fadhiyeen waxaa ka mida: Nuur Siidow Baaba, Xasan Cismaan Xuseen (Qoryooley) iyo Cusmaan Xaaji Cali.
HOOS KA AKHRISO LIISKA MUSHARIXIINTA

