Madaxweynihii 8-aad ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu kusoo baxay doorasho aan la fileyn inuu ku guuleysan karo sanadkii 2012, isagoo ahaa Aqoonyahan bulshada kasoo dhex shaqeeyay oo sumcad fiican ku dhex lahaa, gaar ahaan dhinaca waxbarashada.
4 Sano oo uu Villa Somaliya maamulayey, wuxuu mar labaad isku dayey in dib loo doorto 2017, laakiin waxaa u midoobay dhammaan musharixiintii kale oo doonayey in meesha laga saaro Xasan iyo kooxdiisii Dam-jadiid, waana tan keentay inuu ku fashilmo olole doorasho oo uu geliyey xoog iyo dhaqaale xilli uu ahaa madaxweyne xil haya.
Madaxweynihii uu xilka kala wareegay ee Sheekh Shariif oo ahaa ninka ugu adag ee ka horjeeday ayaa wareegii labaad taageeray Musharax Maxamed Farmaajo oo xilka uha guuleystay, iyadoo ay iska caddeyd in dadku ku mideysnaayeen in Villa somalia laga saaro Xasan Sheekh iyo kooxdiisii.
Arrimaha ugu waaweyn ee fashiliyey dib u doorashada Madaxweyne Xasan Sheekh Doorashadii 2017, isla markaana xiligan Doorashada 2022-ka weli hortaagan, waxaa ugu muhiimsan:
1- Dowladii Xaasn Sheekh oo si weyn loogu eedeeyay Musuqmaasuq baahay oo ay ku kacday sida ku takri-falka Dhulka Danta Guud iyo kooxeysi.
2- Ololihii Doorashada Xasan Sheekh oo xilligaasi lala xiririiyey Itoobiya, markii ay soo baxday in Itoobiya ay wadato, taasoo mucaaradka si weyn uga faa’iideysteen.
3- Dhaqanka siyaasadda Soomaalida oo aan lagu aqoon in dib lo doorto mar kale madaxweyne xilka haya, mar waliaba loo ololeeyo isbedelka hoggaamineed.
Saddexdan arrimood waa kuwo weli taagan, marka laga reebo inuu Xasan Sheekh 5 sano ka maqnaa xafiiska Villa Somalia, taasina kuma filna inay xildhibaannada Barlamaanka 11-aad ilowdiiso natiijadii Doorashada 2017, marba haddii ay tatanka Doorashada 2022 kula jiraan labadii madaxweyne ee midna ka horeeyay Sheekh Shariif, kana kalena uu xilka uga danbeeyay Farmaajo.

