Wednesday, July 9, 2025

3 Somali ah oo ku geeriyootay Diyaaradii Ethiopian Airlines [Sawirrada burburka diyaaradda]

Saddex qof oo Soomaali ah ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen diyaaradii
Ethiopian Airlines ee saaka ku dhacday duleedka magaalada Addis ababa, kuna sii jeeday magaalada Nairobi.

Soomaalida ayaa laba ka mida waxay wateen Baasaboor Candian ah, halka midka kale uu ku safrayey Baasaboor Soomaali ah, waxayna kala yihiin: C/shakur Mohamed Shahaad oo ka mid ahaa shaqaalaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, waxaana tacsi u diray Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.

Laba qof ee kale ayaa kala ahaa Aamina Ibraahim Odowaa iyo gabar ay dhashay oo lix sano jir ahayd laguna magacaabi jiray Safiya Feysal Cigaal, waxayna ka soo safreen magaalada Edmonton ee dalka Canada, waxayna ku socdeen magaalad Nairobi.

Dad ka mida ehelkeeda ayaa sheegay in Aamina ay Nairobi u tegeysay aroos ay halkaasi ku qabsan lahayd, iyadoo toddobaad qura inay joogto Kenya ay u qorsheysneyd.

HOOS KA DAAWO SAWIRRADA BURBURKA DIYAARADDA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON