Saturday, July 12, 2025

3 Xildhibaan oo tartan la’aan Gacantaag ah kusoo baxay Magaalada Muqdisho (Akhriso)

Waxaa magaalada Muqdisho maanta mar kale ka dhacay doorashadii xildhibannada Golaha shacabka Baarlamaanka Federalka oo lagu soo saaray 3 xildhibaan oo cusub.

Kursiga HOP244 waxaa cod gacantaag ah kusoo baxay Xildhibaan Siciid Maxamed Maxamuud ayaa Cod gacan taag oo helay taageerada 101-ka Ergo, markii ay tartanka isaga hartay Musharax xildhibaan Kaltuun Xayir Jaamac.

Kursiga HOP037 waxaa kusoo baxday Ifraax Maxamed Cawad (Nooleeye), kadib markii ay tartanka isagha hartay musharax Caasha Cabdilaahi Warsame oo la tartami lahayd. Xildhibaan Ifraax Maxamed Cawad ayaa cod gacantaag ah ku heshay 99 cod.

Kursiga HOP238 waxaa kusoo baxay xildhibaan Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir, kadib markii uu tartanka isaga haray musharixii la tartami lahaa Cabdilaahi Cabdiqani Ibraahim. Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir oo hore ugu fadhiyey kursiga ayaa cod gacantaag ah ku helay taageerada 98 Cod, waxaana ka aamustay 3 ergo.

Doorashada xildhibaannada kasoo jeeda Somaliland ee ka dhaceysa magaalada Muqdisho ayaa inta badan ku dhammaata tanaasul iyo gacantaag, iyadoo kuraas yar lagu tartamo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON