Sunday, July 13, 2025

34 xubnood oo laga saaray Guddiyadii Doorashada Dowladda Somalia (Akhriso tirada maamul kasta..)

Guddiga Xaqiijinta Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ee tabshada laga keenay ayaa xalay saqdii dhexe kadib ku dhawaaqay inay Guddiyada Doorashada ka saareen kala bar tiradii loo gudbiyey ee cabashada laga qabay.

34 xubnood ayey Guddigan ka saareen liiska Guddiyada doorashooyinka heerarkooda kala duwan ee kala ah: Guddiyada heer Federaal, Xalinta Khilaafaadka iyo Guddiyada Doorashada Maamul Goboleedyada, Somaliland iyo Beelaha Banaadiriga.

Tirada dhinac kasta laga saaray ee la doonayo in la soo bedelo waxay kala yihiin:

Guddiga Heer Federaal ee maamulka Doorashada waxaa laga saaray: 11 xubnood

Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada waxaa laga saaray: 3 xubnood.

Guddiga Doorashada Somaliland waxaa laga saaray: 7 xubnood

Guddiga Doorashada Galmudug waxaa laga saaray: 5 xubnood

K/Galbeed Guddigeeda Doorashada waxaa laga saaray: 3 xubnood

Guddiga Doorashada Hirshabeelle waxaa laga saaray: 2 xubnood

Guddiga Doorashada Beelaha Banaadiriga waxaa laga saaray: 5 xubnood

Guddiga Puntland: Waxay la noqotay Hal xubin (1)

Jubbaland: hore ayay usoo bedeleen xubin geeriyootay iyo kuwo cabasho laga qabay.

Waxaa kaloo jiray 3 xubnood oo Guddiga Doorashada Somaliland ka mida oo cabasho laga keenay, taasoo Guddiga ay sheegeen inay xal ka gaari doonaan Ra’iisal Wasaaraha, Ra’iisal wasaare ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare.

Dhinacyada laga saaray xubnaha ay soo magacaabeen ee Guddiyada Doorashada ayaa la siiyey muddo 2 maalmood la siiyey inay soo bedelaan, soona gudbiyaan xubnaha cusub.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON