Doorashada afar kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa Berri oo sabti ah ka dhaceysa magaalada Muqdisho iyadoo qaab cusub loo qabanayo.
Doorashadan ayaa dib u habeyn lagu smaeeyay, waxaana la shaaciyey odayaasha iyo xubnhaa bulshada rayidka ee ergada soo xuleysa, iyadoo kadib la diiwaan geliyay ergada kuraastaasi, taasoo aan hore u dhicin.
Arrintan ayaa timid markii waanwaan la isugu keenay oo xal laga gaaray khilaaf u dhaxeeyay madaxda siyaasiyinta Gobollada Waqooyi ee Guddoomiye Cabdi Xaashi C/llaahi iyo Mahdi Maxamed Guuleed, kadib qoraalkii uu Cabdi Xaashi ku dalbadday in la joojiyo doorashada. (Halkan ka akhriso)
Guddiga Maamulka Doorashada Somaliland maalinta sabtida 18/12/2021 qabanaya Doorashada dib loo habeeyay ee kuraasta soo socota ee ay ku fadhiyeen:
HOP#262: Waxaa kursiga hore ugu fahiday Fawsiya Yuusuf Xaaji
HOP#229: Waxaa hore ugu fadhiyey Cabdullahi Cusman Ducaale
HOP#254: Waxaa hore ugu fadhiyay Jaamac Maxamed Askar
iyo HOP#255: Kursigan waxaa hadda ku fadhiyey Axmed Maxamud Maxamed
Dhinaca kale Guddiga Doorashada Heer Federaal ayaa Warbaahinta iyo Goobjoogayaasha ka qeyb galaya Doorashada faray inay is diiwaan galiyaan.
