Doorashada maanta oo ay kusoo baxayaan shan Senator ayaa ka xamaasad yar tii shalay, inkastoo kuraasta qaarkood lagu tartamayo.
Waxaa Goor dhoweyd ka bilaabatay xarunta Afisyoone ee Magaalada Muqdisho Doorashada Aqalka Sare ee Senatoorada kasoo jeeda Gobollada Waqooyi, iyadoo la qorsheeyay in la doorto shanta Kursi oo harsan.
Kuraasta maanta la dooranayo waxaa u sharxan kursi kasta 2 musharax, marka laga reebo hal kursi oo saddex musharax ay u taagan yihiin, waxayna u kala horeeyaan sida soo socota:
Kursiga Koowaad
1. Siciid Cabdi Xasan
2. Jaamac Cabdilaahi Maxamed
Kursiga labaad
1. Muno Cumar Xasan
2. Nacima Xasan Xaaji.maxamuud
3. Sucaad Xasan Maxamed
Kursiga Saddexaad
1. Cabdirisaaq Axmed Cali
2. Xasan Cabdi Gaas
3. Axmed Maxamed Siciid
Kursiga Afaraad
1.Axmed Ibraahin Maxamed (Qorane)
2. Baashe Maxamed Ismaacil
Kursiga Shanaad
1. Deeqa Xasan Xuseen
2. Hodan Abokor Xasan
Kuraasta maanta ayaan u xiiso badneyn sidii Doorashadii, laakiin waxaa jira kuraas tartankoodu adag yahay. Dhinac kale Kursi ka mida ayaa lasoo ogyhayay cidda kusoo baxeysa.
Kursiga u danbeeya ee 5-aad ee maanta la dooran doono waxay ahayd inay ku tartamaan doonaan Musharax Hodan Abokor Xassan Iyo Deeqa Xasan Xuseen oo ku fadhiday kursigaa 4-tii sano ee lasoo dhaafay, lakiin waxaa saamayn ku yeeshay kursigii shalay loo doortay Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar.
Prof Senitor Cabdi Ismaaciil Samatar Iyo Hodan Abokor Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isku heyb ah oo hal dhinac kasoo wada jeeda saami qaybsiga beelaha taasoo ka dhigan in Senitor Deeqa Xasan Xuseen ay tahay Senitorada kaliya oo iyada oon wakhtigii codaynta la gaarin, lasii ogyahay inay iyadu kusoo bixi doonto kursigaas.
