Thursday, June 26, 2025

7 Qodob oo RW Rooble uga guuleystay Farmaajo iyo Halka Arrin ee uu ku fashilmay (Faaqidaad)

Dagaalka awoodeed iyo midka siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa garay heerkii ugu danbeeyay.

Khilaafka Rooble iyo Farmaajo oo mar la xaliyey, balse dib u laba kacleeyay ayaa xaalad adag geliyay xaaladda dalka xilli doorasho dadban socoto, waxaana dagaalkaasi intiisa badan ku guuleystay Ra’iisal wasaaraha, marka laga reebo hal qodob oo uu dadaal u galay balse ku fashilmay.

Qodobadda ugu muhiimsan oo uu ku guuleystay Rooble iyo Qodobka weli hortaagan ayaa kala ah:

1- Xil ka qaadistii Fahad Yaasiin

Dagaalka Farmaajo iyo Rooble wuxuu ka bilowday Hay’adda NISA oo guud ahaan ahayd mid gacanta ugu jirta kooxda Farmaajo; waxaana uu ugu horeyn xilkii ka qaaday C/llaahi Kulane oo lagu eedeeyay inuu Garoonka Diyaardaha Muqdisho ku xayiray siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin reer Gedo ah.

Markii danbe oo ay soo shaac baxday arrintii Kiiska Ikraan Tahliil Faarax, wuxuu Rooble xilkii k qaaday Agaasimihii NISA Fahad Yaasiin oo lagu tillmaamo milkiilaha Dowladda Farmaajo. Inkastoo Farmaajo ka hor yimid xil ka qaadista Fahad Yaasiiin, haddana wuxuu ku qasbanaaday inuu fuliyogo’aankii Rooble, wuxuuna u magacaabay xilka la-taliyihiisa Amniga.

Inkastoo Fahad Yaasiin weli si dadban u maamulo Hay’adda NISA, haddana waxay xil ka qaadistiisa iyo qalalaasihii la geliyay oo kiiska Ikraan loo maray ku noqday jug weyn oo ku dhacday Farmaajo iyo Fahad, iyadoo markii ugu horeysay dagaal awooddda lagula tartamayo uu hoostooda ka dhashay.

2- Soo celinta xiriirka Kenya iyo Soomaaliya

Ra’iisal wasaare Rooble wuxuu ku dhiiraday inuu soo celiyo xiriirkii Soomaaliya iyo Kenya oo Farmaajo mudo dheer u adeegsaday olole siyaasdeed iyo wadaniyad u gaara, waxaa sidoo kale shaqeyn weyday isku daygii uu ku hor istaagi lahaa, markii uu xukuumadda ka joojiyey inay heshiisyo gasho.

Socdaalkii Rooble ee dalka Kenya iyo waxaa ka dhashay dagaal culus oo taageerayaasha Farmaajo ay si shaqsi ah ugu qaadeen Ra’iisal wasaaraha, weerarkaas wuxuu weli ka socda baraha bulshada isagoo aan xakame iyo xeerin lahayn oo muujinaya xanuunka ay arrintaas ku heysay Farmaajo iyo kooxdiisa.

3- Magacaabidii Wasiirada Amniga iyo Gaashaandigga

Saameyntii ka dhalatay labada tallaabo ee hore waxay keentay heshiiskii koowaad ee dhex maray Farmaajo iyo Rooble, waxaana heshiiskaasi qeyb ka ahaa in Wasiirka Amniga ee Rooble magacaabay C/laahi Maxamed Nuur uu xilkiisa sii wato.

Wuxuu kaloo Rooble isku bedel ku sameeyay wasaaradaha muhiimka ah ee Cadaaladda iyo Gaashaandhigga iyadoo wasiirkii Cadaaladda uu ka dhigay Wasiirka Gaashaandhigga xilli xasaasi ah. Labada Wasiir ee Amniga iyo Gaashaandhigga oo caddow la ah Farmaajo iyo kooxdiisa waxay ahayd dhaawac kale oo gaaray dhinaca Farmaajo iyo Fahad.

4- Fashilkii shaqo ka joojinta RW Rooble

Farmaajo wuxuu muddo laba jeer ah isku dayey inuu yareeyo awoodda Ra’iisal wasaaraha, kadibna shaqada ka joojiyo, labadii marna waa ku fashilmay oo waxaa dagaalkaasi ku guuleystay Rooble, iyadoo isku daygii ugu danbeeyay ee 27 Disembar 2021 loo bixiyey ‘Afgembi fashilmay’.

Rooble wuxuu markaas kadib Farmaajo u aqoonsaday ‘Madaxweyne hore’, wuxuuna magacaabay guddi soo baara afgembiga fashilmay, kaasoo weli an wax natiijo ah soo saarin.

5- Argagixiso ka saaristii ONLF

Maxamed Xuseen Rooble oo dhibco siyaasadeed ka qaadanaya Farmaajo ayaa mar kale qaaday tallaabo cusub oo uu dib ugu soo faagay khaladaadkii dowlada Farmaajo, wuxuuna markan golaha wasiirada kasoo saaray baabi’inta qaraarkii ay argagixisada ugu aqoonsadeen ururka ONLF iyo Dhiibistii Qalbi-dhagax.

Arrintan waxay mar kale dadka soo xusuusisay tacadiyadii ay dalka ka geysatay dowladii Farmaajo, waxayna Rooble ka dhigtay nin u taagan inuu sumcad tiro Farmaajo iyo kooxdiisa xilli xasaasi ah oo aanay waxba ka qaban karin.

6- Xiriir soo celinta Imaaraadka

Tallaabadii ugu danbeysay ee Ra’iisal wasaaraha qaaday waxya ahayd inuu soo celiyay xiriirkii Soomaaliya la lahayd dowladda Imaaradka Carabta, isagoo socdaal ku tegay dalkaasi oo ahaa caddowga maamulka Farmaajo ee taageera siyaasiyiinta iyo maamul Goboleedyada ka horjeeda.

Arrintan waxay kooxda Farmaajo u muujisay inay tabar beeleen oo Rooble uga guuleystay arrimaha Doorashooyinka, arrimaha dibadda iyo dhammaan dagaalladii siyaasdeed ee uu la galay dhinaca Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

7- Hogaanka Doorashada

Bishii May 2021 ayey ahady markii uu Farmaajo wareejiyey hoggaanka Doorashada dalka, laakiin wuxuu si toos ah ugu dhex jiray muddo sanad, markaas kadib oo Rooble ka xoroobay la shaqeynta Farmaajo.

Maamulka Doorashada ee Rooble isagoo dagaal kala dhaxeeyo Farmaajo waxay dhaliisay inay soo yaraato saameyntii kooxda Farmaajo ku lahayd Guddiyada Doorashada iyo xildhibaanno soo saarista oo markan ay u daba fariiteen madaxda Maamul Goboleeyada iyaga taageera.

Dagaalka Rooble wuxuu keenay inuu 7 xubnood oo Villada lagu tuhmay ka saaro Guddiga xalinta khilaafaadka iyo in meesha laga saaro Guddoomiyihii Guddiga FEIT ee Guddiga Doorashada heer Federaal, taasoo wiiqday galaangalkii Farmaajo iyo kooxdiisa.

8 – Hoggaanka Ciidamada

Halka qodob ee Ra’iisal wasaare Rooble ku fashilmay ayaa ah inay ka amar qaataan ciidamada milateriga iyo kuwa NISA oo uu maamulo Farmaajo, waana awoodda kaliya ee u hartay Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday, taasoo uu ku joogo Villa Somaliya.

Inkastoo uu Wasiirka saaxiibkiis ah u magacaabay Wasaaradda Gaashaandhigga, haddana taliyeyaasha ciidamada waxay weli ka amar qaataan Farmaajo, waxaana Rooble u suurageli weyday inuu maamulo ciidamo ka baxsan kuwa ilaaliya xafiiskiisa.

GABAGABO

Haddii uu sii socdo dagaalka Rooble iyo Farmaajo waxa kaliya ee ku qasaaraya waa musharax Farmaajo oo xilli kasta uu Rooble soo qodayo ceebihiisii Qaran iyo khaladaadkiisii hoggaamineed ee shanta sano.

Farmaajo wuxuu hadda raadinaya in mar kale lala heshiisiiyo Rooble si uu uga badbaado ceebta siyaasdeed iyo fashilka hoggaamineed ee uu ku danbeyn doono, haddiiba uu ogolaado doorashada soo socota inuu ka qeyb galo ama aqbalo natiijada kasoo baxda.

Faaqidaad Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON