Tuesday, July 1, 2025

3-da Qodob ee Siciid Deni & Axmed Madoobe doonayaan in laga bedelo Heshiiskii Dhuusamareeb 3 (Akhriso)

Iyadoo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland maanta laga sugayo magaalada Muqdisho, kadib cadaadis ay saartay Beesha Caalamka si ay qeyb uga noqdaan Heshiiska Doorashada ee lagu gaaray shirkii Dhuusmaareeb ayaa la sheegay inay jiraan qoddobo muhiim ah oo ay doonayaan in wax laga bedelo.

Siciid C/llaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam ayaa hore u caddeeyay inuusan quseyn heshiiskii Doorasho ee Dhuusamareeb III, kuna kooban yahay ciddii ka qeyb gashay, ayna doonayaan Heshiis Doorasho oo loo dhan yahay, waxayna shirkoodii Garowe ka gaabsadeen inay ka hadlaan fekerkooda marka laga reebo inay Muqdisho tegayaan.

Haddaba xogta laga helay magaalada Garowe ayaa sheegeysa in Puntland iyo Jubbaland ay diidan yihiin ilaa 9 qodob oo ka mida Heshiiska Doorashada Dhuusamareeb III oo ka kooban 17, laakiin waxaa ugu muhiimsan 3 Qodob oo fure u ah heshiis ay la gaaraan Madaxweyne Farmaajo, waxayna kala yihiin:

1- Yaa maamulaha Doorashada..?

Qodobka ugu weyn ee heshiiskii Doorashada Dhuusamareeb III ku jiray ee labadan maamul ka horjeedaan ayaa ah in Guddiga Doorashooyinka Qaran uu maamulo. Guddigan oo ay hoggaamiso haweeneyda Xaliimo Yarey ayey aamisan yihiin inuu u janjeero Madaxtooyada, iyadoo laga dareemi karo sida uu Madaxweyne Farmaajo ugu dhegan yahay, wuxuuna noqon doonnaa kan ugu adag ee labada dhinac laga rabo inay ka heshiiyaan.

2- Go’aanka kama danbeysta ah

Madaxweyne Farmaajo wuxuu marsiiyey saddexdii Madaxweyne Goboleed ee u dhowaa heshiiskii Doorasho ee Dhuusmareeb III ina heshiiska ay gaareen loo gudbiyo Golaha Shacabka si uu sharci u noqdo, laakiin Siciid Deni iyo Axmed Madoobe waxay doonayaan in Heshiisku noqdo kama dambeys aanu wax go’aan ah ku yeela Baarlamaan waqtigiisu dhammaanayo.

3- Ergada Doorashada

Qodobka saddexaad ee doodu ka taagan tahay ayaa ah tirada dooraneysa kuraasta Golaha Shacabka oo heshiisku qorayo 301, waxaana qodobka ku hoos jira kuraasta la isku darayo iyo degaanada lagu dooranayo oo aanay taageersaneyn Puntland iyo Jubbaland.

Beesha Caalamka oo soo qabanqaabisay shirka saddex geesoodka ah ee Muqdisho ayaa dadaal ugu jirta in heshiiska Doorashada lagu soo daro labadan maamul, kadibna shir kale oo weyn lagu wada saxiixo heshiiska loo dhan yahay ee Doorasho haddii lagu heshiiyo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON