Sunday, June 22, 2025

XOG: Kursiga Aqalka Sare ee Ganacsadaha looga haray, ayna ka cararreen Musharixiintii la tartami lahaa!

Kursi ka mida kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa looga haray Ganacsade ka mid ahaa mushariixinta, waxaana khilaafka ka dhashay uu gaaray heer ay magaalada Jowhar isaga tagaan musharixiintii u tartami lahaa.

Kursigan oo tirsigiisu yahay UH #07 waxaa u sharxan saddex musharax oo kala ah: Senator Cusmaan Axmed Macow, C/nuur Ibraahim Farey iyo Xasan Iidow Muxumed Kobac, waxaana dib loo dhigay markii gacanta isula tageen guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Hirshabeele iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka markii uu hor istaagay in doorashadiisa la qabto.

Kursigan waxaa si weyn loogu saadaalinayaa inuu kusoo bixi doono ganacsade Xasan Iidow Kobac oo ah in kharash badań kusoo jiitay madaxda Hirshabeelle iyo xildhibaannada Hirshabeelle, waxaana arrintan markii hore ka horjeeday guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle oo taageersanaa musharixiinta kale, balse markii dambe la xaliyay arrintiisa.

Ad

Musharixiinta la taramayi lahaa Ganacsade Xasan Kobac ayaa dawcad u gudbiyey Guddiga Doorashada iyo Baarlamaanka Hirshabeelle, waxayna ka tageen Jowhar, iyagoo xaqiiqsaday inaysan la tartami karin Ganacsadaha laga ballanqaaday kursigan ee dhaqaalaha badan uga baxay.

Musharixiinta ka qaxay kursigii ay u taagnaayeen waxay Muqdisho ku qabtaan shirar jaraa’id iyadoo sheegay inay cadaalad darro ka dhacday, isla markaana cabasho ay gudbiyeen uu ka hoos qaadi waayeen Madaxweynaha Hirshabeelle.

Waxay kaloo sheegeen inay lafahooda ugala soo cararreen magaalada Jowhar, iyagoo ku eedeeyay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Hirshabelle Mahad Xasan Cusmaan inuu faraha kula juro kursigan oo uu diiday inuu ka dhex baxo, isagoo awood ka heysta Madaxweynaha Hirshabeelle.

- Advertisement -

Mushariixinta C/nuur Ibraahim Farey iyo Cusmaan Macow waxay ku doodeen in cabasho u gudbiyeen madaxda Hirshabeelle iyo Guddiyada Doorashada, iyagoo ku caddeeyay in cabsi gelin iyo cadaadis la kulmeen Guddoomiye ku xigeenka labaad Mahad Xasan Cusmaan, looguna hanjabay in la dili doono.

Xogta la helay ayaa sheegeysa in labadan musharax ay tartanka uga tageen markii ay xaqiiqsadeen inay guul ka keeni karin, isla markaana lagala wareegay guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee Hirshabeelle oo dhinacooda taageersanaa, iyadoo Ganacsade Xasan Kobac loo wado kursiga.

Dhinaca kale Guddiga Doorashada Hirshabeelle ayaa jawaab ka bixiyey cabashada labada musharax gudbiyeen, waxayna go’aan ay soo saareen ku caddeeyeen inuusan jirin qodob la jebiyey oo ka mida Doorashada, looguna baaqay in ku laabtaan magaalada Jowhar.

Lama oga waxa kursigan ku danbeyn doono, iyadoo uu hadda tartankiisa kusoo haray Musharixii la sheegay inuu heysto taageerada madaxda iyo Baarlamaanka Hirshabeelle, waxaana guddiga Doorashada Hirshabeelle ay sheegeen in doorashada la qabanayo Axadda 19-ka September.

- Advertisement -

HOOS KA AKHRISO GO’AANKA GUDDIGA HIRGELINTA DOORASHOOYINKA DOWLAD GOBOLEEDKA HIRSHABELLE SEIT 2020-2021

17 September 2021 WARSAXAAFADEED

lyadoo laga jawaabayo cabashadii ay soo gudbiyeen qaar ka mid ah musharaxiinta ku tartameeysa kusiga aqalka sare ee sumadiisu tahay UH#07 ayaa gudiga heerarkiisa kala duwan ka fariisteen wada tashi dheer kadibna isla qaateen soo jeedinta hoos ku xusan.

In uusan jirin qodob kamid ah habraacyada doorashooyinka aqalka sare oo la jabiyay sidaa darteed waxa uu ugu baaqayaa in musharaxiinta cabashada soo gudbiyay ku soo laabtaan deegaan doorashadooda, in kurisga cabashada ka timid dib loogu dhigo ilaa Axadda 4:00 PM OO taariikhduna ku beegantahay 19/09/2021 si musharaxiinta fursad uguhelaan in ay ku soo laabtaan deegaan doorashadooda.

Ugu dambeyn, Gudigu wuxuu ugu baagayaa musharaxiinta ku tartamaya kursigaan in ay dhowraan waqtiga loo asteeyay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON