Mid ka mida Aqoonyahannada mucaaradka ahaa ee sida uga hor yimid dowladii uu hogaaminayey Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta loo doortay Senator ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.
Prof. Cabdi Ismaacil Samatar wuxuu kusoo baxay doorasho adag oo laba wareeg ah, iyadoo uu ku guuleystay codad kooban, waxaana in xilkan laga hor istaago dadaal badan iyo kharash ku bixiyey kooxda Farmaajo oo dooneysay inuusan ka mid noqon Baarlamaanka 11-aad wax kastoo ay ku qaadato.
QORSHAHA KOOWAAD
Tallaabadii koowaad ee lagu doonayey Prof. Cabdi Ismaaciil lagu fashiliyo waxay ahayd in rajadiisa meesha laga saaro inta aan la gaarin tartanka kursigii uu ku qornaa, waxaana arrintaas darteed liiska Musharixiinta laga hormariyey kursi ay ku tartamayeen labada musharax ee kala ah: Hodon Abokar Xasan iyo Deeqa Xasan Xuseen. (Akhri Liiska Musharixiinta)
Haddii sidaasi wax u dhici lahaayeen oo Doorashada kursiga hore ay kursigaasi kusoo bixi lahayd Hodon Abokar oo ay isku dhow yihiin, waxay noqon lahayd inay si weyn hoos ugu dhacdo rajada Prof. Cabdi Ismaciil, laakiin dadaal ka yimid dhinacyo kala duwan oo ay ku jiraan Musharixiinta Mucaaradka iyo magaalada Hargeysa uu keenay in lasoo hormariyo kursiga Proffessor-ka, halkaasi uu uga badbado hubanti la’aan iyo in xilli hore la quusiyo.
QORSHAHA LABAAD
Qorshahan wuxuu yimid markii uu fashilmay qorshihii koowaad, waxayna kooxda Farmaajo si weyn u taageertay Musharax Prof. Maxamed Maxamuud Allabari oo kharash iyo dadaal ay ku bixiyeen inuu ku guuleysto kursiga, kana adkaado Prof. Cabdi Ismaacil Samatar.
Loolan adag kadib waxay guushii raacday Prof. Cabdi Ismaacil Samatar, taasoo ahayd mid adag, waxayna taageerayaashiisa ku qasbanaadeen inay dhaqaale ku bixiyaan ololaha Doorashada.
Prof. Cabdi Ismaaciil oo markii hore si weyn u diidi jiray dhaqaale lagu bixiyo doorashda; waxaana hadda laga sugayaa inuu ka cudurdaarto wixii dhacay intii olololihiisa lagu jiray, una niyeysto dagaalka qaraar ee ku furnaa.
