Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa eedeyn culus u jeediyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee dowladiisa, isagoo difaacay weriye ay xirtay dowladda Soomaaliya.
Isagoo shir jaraa’id ku qabtay Gurigiisa magaalada Muqdisho ayuu Sheekh Shariif ka deyriyay hab dhaqanka dowladda hadda jirta iyo madaxdeeda, wuxuuna sheegay inay tahay dowadii ugu musuqa iyo qabyaaladda badneyd, haddana si xun u maamushay ciidamada, iyadoo aanay jirin Guuto dagaalami karta, sida uu yiri.
“Arrinta Jaadka weligiis dalka waa soo geli jiray, laakiin tuhunka yaalla maanta wuxuu yahay in madax qeyb ka tahay inuu Qaadka dalka soo galo, mana aha arrin weriyaha ku eg ee anagoo dhan ayaa qabna warka uu sheegay anaguu noo sheegay..” ayuu yiri Sheekh Shariif oo caddeeyay inuusan Qaadku ku ekeyn ciidamada balse u saameeyay xafiisyada dowladda.
Sheekh Shariif ayaa si cad u sheegay inuu dalku gadaal u socdo, isla markaana musuqa iyo xaraashka xoolaha umadda ay kaliya dhaliyeen dib u dhac, wuxuuna si adag u cambaareeyay qaabka loo maamulo jagooyinka dowladda iyo shaqaalo qorista.