Puntland ayaa si rasmi ah u shaacisay maamulkoodu uu iibsaday diyaarado dagaal oo ka qeyb geli doona dagaalka ay kula jiraan kooxda Daacish.
Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa sheegay in diyaaradahaasi ay isugu jiraan kuwo dagaal iyo kuwa gurmadka ee ambalaaska ah, isla markaana ay qayb ka yihiin dadaallada maamulka ee lagu xoojinayo awoodda ciidamada Puntland.
“Waxaa la keenay diyaarado dagaal, kuwa wax duqeeya, iyo sidoo kale helikabtaro loogu talagalay gargaarka degdegga ah” ayuu yiri Wasiir Caydiid oo intaas ku daray in Puntland ay leedahay awood dhaqaale oo ay ku iibsan karto diyaarado, isla markaana aysan cid kale kala tashaneyn arrintaas.
Wasiirku ma sheegin tirada rasmiga ah ee diyaaradaha Puntland soo iibsatay, balse wuxuu xusay in hawlaha diyaaradahaasi ay qayb ka yihiin howlgal ballaaran oo ka dhan ah ururka ISIS.Imaaraadka Carabta, kuwaasoo ka caawiyay Puntland dagaalka ay kula jirto ururka Daacish.
Sidan oo kale Af-hayeenka ciidamada difaaca Puntland Jeneraal Maxamuud Maxamed Axmed (Faadhigo) ayaa hore u xaqiijiyay in Puntland soo iibsatay afar kamid ah diyaaradaha dagaalka ee casriga ah, kuwaas oo qaabilsan fulinta duqeymaha iyo hawlgallada degdegga ah, islamarkaana ku biiray hawlgalka sifaynta firxadka argagixisada ISIS buuraha Calmiskaad.