Shirkii siyaasiyiina Mucaaradka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalintii labaad maanta ka dhacay Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho, iyaga oo kulammo wadatashi ah la qaadanaya qaybaha kala duwan ee bulshada.
Kulamadii saaka ayay siyaasiyiinta shirar kala gaara kula yeesheen xubno ka socday Warbaahinta Madaxa Bannaan iyo Culimada Soomaaliyeed ee fadhigoodu yahay Muqdisho, iyadoo talooyin ku saabsan xaaladda dalka la isku dhaafsaday.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed ayaa kulanka maanta ka sheegay inuu aad uga xun yahay sida warbaahinta madaxa bannaan loo cadaadiyo oo ay dhibaatooyina kala kulmayaan dowladda.
Dhinaca kale Siyaasiga Daahir Maxamuud Geele oo ahaa La-taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee arrimaha carabta ayaa la sheegay inuu isaga tagey xilkaasi, kuna biiray mucaaradka, isagoo noqon doona afhayeenka isbaheysiga Siyaasiyiiinta Mucaaradka.
Daahir Geelle oo hore xilka Madaxweynaha isugu sharxay ayaa doorashadii ahaa afhayeenka Musharixiintii la tartamay Farmaajo, balse wuxuu doorashada ka haray xilligii ugu danbeeyay.