Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa kulan saddex geesood ah ugu yeetay madaxweynayaasha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Suudaan Cumar Al-bashiir.
Shirka saddex geesoodka ah ayaa ka furmaya magaalada Jima ee ismaamulka Oromada Itoobiya, iyadoo saddexda hoggaamiye ay halkaasi ku yeelan doonaan kulamo looga hadlayo arrimah dhaqaalaha iyo iskaashiga.
Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa casuumaadda loo fidiyey mdaaxweynayaasha Jabuuti iyo Suudaan ku sheegay inay la xiriirto si ay u booqdaan mashaariic laga hirgeliyay magaalada Jima.
Hore ayuu Abiy Ahmed heshiis saddex geesood ah ula galay Somalia iyo Eritrea, lamana oga in shirkan saddex geesoodka ah uu noqon doono isbaheysi kale oo Itoobiya wadato.
DAAWO SAWIRRADA
MADAXWEYNAHA JABUUTI




MADAXWEYNAHA SUUDAAN


