Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa goor dhoweyd ku dhawaaqay inay dhammaatay mudaddii 3-da maalmood ahayd ee loo qabtay inay isku dhiibaan Maleeshiyada iyo ciidamada gaarka ah ee Jabhadda TPLF.
Fariinta Abiy Ahmed ayaa lagu sheegay in kadib markii ayd dhammaatay 72-kii saacadood ee loo qabtay ciidamadaasi in maalmaha soo socda la qaadi doono howlgalkii ugu danbeeyay ee sharciga lagu soo celinayo Gobolka Tigray.
“Laga bilaabo maanta baaqii loogu yeeray in ciidamada gaarka ah iyo Maleeshiyada inay naftooda ka badbaadiyaan hoggaanka dembiilayaasha ah ee TPLF waa soo idaalday..” ayuu yiri Abiy Ahmed oo u mahad celiyey ciidamada is-dhiibay sida uu yiri.
Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa diiday baaqyo caalamo ah oo lagu dalbaday in lagu joojiyo dagaalka Tigray, wuxuuna ku adkeysanayaa inuu awood milateri ku maquunin doono TPLF.
