Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ergay gaara u soo diray magaalada Muqdisho, si uu ula kulmo, isla markaana farriin u soo gaarsiiyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llahi Farmaajo.
La-taliyaha Amniga Qaranka ee Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Gedu Andargacho ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha kuso dhoweeyay La-taliyaha Amniga ee Madaxweyaha Cabdi Siciid Maxamed Cali iyo Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Jamaaduliin Mustafa.
La-taliyaha Amniga Qaranka Itoobiya iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa ka wadahadlay howlgalka ee dowladda Itoobiya Gobolka Tigray, wuxuuna Madaxweyne Farmaajo taageero u muujiyay howlgalka, sia uu sheegay safiirka Itoobiya.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaan weli ka hadlin kulanka, iyadoo Itoobiya ay hore ergooyin ugu dirtay dalalka Bariga Afrika si ay uga sharxaan mowqifka Itoobiya ee dagaalka ka socda Gobolka Tigray.
