Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa maantai loo caleemo saaraymar labaad xilka Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, markii xisbigiisa barwaaqo uu ku guuleystay Doorashadii dhowaan ka dhacday dalka Itoobiya oo is-maamulo dhowr ka maqnaayeen.
Qaar ka mida madaxda Afrika ayaa ka qeyb galay xafladda caleemo saarka Abiy Ahmed ee magaalada Addis ababa, waxaana halkaasi ku sugnaa madaxweynaha Nigera Muhammadu Buhari, Madaxweynaha Senegal Macky Sall iyo madax kale.
Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa gaaray magaalada Addis ababa isagoo ka ka qeyb galay caleemo saarka Abiy Ahmed oo saaxiibo gaara ay ahaayeen.
Ra’iisal wasaare Abiy Axmed ayaa mar kale ku guuleystay xilka, iyadoo loo dhaariyey muddo 5 sano ah oo kale, kadib guushii Isbaheysiga Xisbiyadai sugu tegay ee Barwaaqo oo kusoo baxay Doorashadii Baarlamaanka Itoobiya ee la qabtay 21 -kii June 2021.


