Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa maanta soo saaray baaq aan hore loo arag, isagoo ku boorriyay “dhammaan Itoobiyaanka awoodda u leh” inay hubka qaataan oo u biiraan ciidamada si looga hortago Jabhadda Tigray.
Baaqiisa oo qoraal ahaan looga akhriyey warbaahinta dowladda, ayuu Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ku sheegay in dhammaan dadweynaha rag iyo dumarka leh ee hubka qaadi kara ay isugu qoraan ciidamada gaarka ah iyo maleeshiyaadka si ay u taageeraan dagaalka lagula jiro dagaalyahanada Tigreega.
Hadalkan ayaa yimid 6 toddobaad kadib markii ay dowladdu ku dhawaaqday xabbad -joojin hal dhinac ah oo ka socota gobolka woqooyiga Tigray, taasoo ka socon weyday dhinaca TPLF oo dib u qabsaday Gobolkeeda intiisa badan, dagaalo kalena ku qaaday gobollada Amxaarada iyo Cafarta.
Ciidamada Itoobiya oo si xun loogu soo jebiyey dagaalka Tigray, lagana qabtay maxaabiis badan ayaa taageero uga baahday maleeshiyada maamullada Itoobiya, laakiin baaqa Abiy Ahmed ayaa ka dhigan in arrinta ku xun tahay ciidamadiisa, ayna gaartay in shacabka loo qeylo diro.
Toddobaadyadii la soo dhaafay, dagaalku wuxuu ku fiday gobollada Amxaarada iyo Canfarta ee ku dhow, waxaana ku barakacay ku dhawaad 170,000 oo qof, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.
