Tuesday, June 24, 2025

Abiy Ahmed: “Uhuru & Farmaajo waxay si qoto dheer uga wadahadleen sababtii dhalisay xiisada labada Dal..”

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo kulan dhexdhexaadin ah isugu keenay madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya ayaa shaaciyay in kulankii labada hoggaamiye looga wadahadlay arrintii asalka u ahayd xiisadda labad dal.

Qoraalka lagu faafiyey barta twitterka ee Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa lagu caddeeyay in hogaanka Ra’siial wasaare Abiy Ahmed uu suurageliyay inay saaka kulmaan madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo si qoto dheerna ay uga hadleen sababta dhalisay is-maandhaafka labada dal. waxaana qoraalka lagu soo gabagabeeyay: “Kulanka waxaa kasoo baxay oo labada dhinac ku heshiiyeen in wadajir uga shaqeeyaan nabadda iyo tallaabooyin loo qaadayo sidii xal loogu heli lahaa arrimaha gaarka ah ee xaaladda uga sii daray..”

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa tan iyo shalay ku howlahaa qoraallo uu soo dhigo baraha bulshada, waxaan kuwii ugu danbeeyay lagu sheegay inaan la soo hadal qaadin arrintan Kiiska Dacwadda Badda iyo dooda Kenya ka qabto in Somalia ku xadgudubtay Xuduudkeeda Badda.

Shaki iyo mugdi ayaa hareeyay wadahadalkii Madaxweynaha Somalia u tegay Addis ababa iyo socdaalkii ka dambeeyay ee loo kaxeeyay magaalada Nairobi, waxaana madaxtooyada ka muuqata inay jiraan arrimo la qarinayo.

Waxaa la sugayaa Warka ay Kenya kasoo saari doonto kulanka saddex geesoodka ah iyo go’aanka ay qaadato iyadoo weli aanay wax war ah kasoo saarin arrintan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON