Wednesday, July 9, 2025

Abiy Ahmed: “Waxaa jira Dad doonaya Itoobiya oo daciif ah, kuna dhex jirta dagaalo daba dheeraada..”

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa maanta khudbad u jeediyey Baarlamaanka Federaalka dalkaasi, iyadoo su’aalo laga weydiiyey xaaladda dalkaasi, gaar ahaan Gobolka Tigray.

Abiy Ahmed ayaa difaacay tallaabadii uu ku weeraray Gobolka Tigray, wuxuuna sheegay in guulaha laga gaaray dagaalka sharci soo celinta ahaa ay ka mid yihiin: inay Dib ula soo noqdeen Hub si sharci daro ah looga qabtay Taliska Waqooyiga; inay hoos u dhigeen saamaynta kala qaybinta bulshada Itoobiya iyo in la qabtay hoggaankii muhiimka ahaa ee kooxdii dambiilayaasha ee TPLF.

Wuxuu ku dooday inay isku dayeen soo celinta maamulka iyo kaabasyaasha Tigray, balse ay qiime sare ugu kacday markii la weeraray oo la beegsaday ciidamada Itoobiya oo dagaalameyaasha Tigray ay qasaare badan gaarsiiyeen.

” Aniga aragtidayda waxaa muuqata inaan la dooneynin khilaafka gobolka Tigray oo soo lasoo afjaro, waxaa aad u yar fursadaha joojinta dagaalka. Waxay u muuqataa inay jiraan dano Shisheeye oo doonaya inay arkaan dowladnimada Itoobiya oo daciifta, iyadoo loo marayo khilaaf daba dheeraada oo laga abuuro Itoobiya” ayuu yiri Ra’iisal wasaaraha Itoobiya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON