Sunday, July 13, 2025

Afhayeenka Madaxtoyada oo si marin habaabin ah uga hadlay Shaqo ka joojinta Aamin Ambulance

Iyadoo si weyn loo hadal hayey shaqo joojin lagu sameeyay Hay’adda gargaarka degdegga ah ee AAMIN AMBULANCE oo ah tan ugu weyn ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa waxaa arrintan si la yaab leh oo marin habaabin ah uga hadlay agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada C/Nuur Maxamed Axmed.

Qoraal uu soo dhigay ayuu ku sheegay qoddobadda soo socda:

1. Ma jirto warqad ka timid Booliiska oo Aamin Ambulance shaqada looga joojiyay sida ay ii xaqiijiyeen Maamulka Aamin Ambulance, Guddoomiyaha Degmada iyo Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir.

Sida ku cad warkii aanu maanta ka qornay arrintan, amarka shaqada looga joojiyey waxaa bixiyey guddoomiyaha degmada Hodon iyo taliyaha saldhiga oo u yeeray maamulka Aamin Ambulance, wuxuuna amarka ahaa mid oraah ah, iyadoo weliba weydiistay in la siiyo amarka oo qoran, balse loo diiday oo lagu wargeliyey inay amarkaasi qaataan. [AKHRISO WARKAN].

Maamulka Aamin Ambulance waxay u hoggaansameen amarkaasi oo loogu soo dhiibay maamulka degmada ay xaruntooda ku taallo, waxaana la yaab leh inuu agaasimaha Madaxtooyada ee Warbaahinta uu beeniyo arrin aan jirin markii horeba.

Waxaa kaloo la yaab leh inuu qoraalkiisa ku soo qaato war sheegaya in Dalal badan ay ka dhacday in gaadiidka gurmadka degdega ah loo adeegsaday qaraxyo ismiidaamin ah.

Arrintan waxay kaloo muujineysaa in xafiiskii ugu sareeyay dalka iyo gacan-yareyaashii Madaxweynaha ay faraha kula jiraan dhacdooyinka yaryar ee magaalada Muqdisho oo xaalad kasta ku dhex rafanayaan, iyadoo shaqadani ay ku kooban tahay heer degmo ayna joogaan guddoomiyihii degmada, taliskii booliska ee degmada ama gaari karto maamulkai Gobolka, taliskii Booliska ee Gobolka, taliska guud iyo wasaaradaha ay arrintani quseyso.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON