Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada oo uu dhowaan magacaabay Madaweynaha xilligiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wareejiyey xilka.
Cabdisaciid Muuse Cali oo ahaa la-taliyihii Amniga ee Farmaajo xilka kala wareegay Ku-simihii Agaasimaha Guud Cabdinuur Maxamed Axmed, iyadoo ay Madaxtooyada agaasime la’aan ahayd tan iyo markii ay isku dhaceen Farmaajo iyo Agaasimihii hore Nuur Diiriye Fuursade oo xilka ka tegay Ogost 2020. (Ka akhriso halkan)
Magacaabidda Cabdisaciid Muuse ayaa qeyb ka ahaa magacaabis muran ka taagan yahay oo Farmaajo ku dhaqaaqay, markii uu Ra’iisa lwasaare Rooble shaqadii ka joojiyey Agaasimihii NISA Fahad Yaasiin, waxaana weli lagu heshiin khilaafka ka dhashay arrintaas oo salka ku heysa Kiiska Ikraan Tahliil.
Xil-wareejinta waxaa gobjoog ka ahaa Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Xasan Macallin Khaliif, La-taliyeyaasha Farmaajo, Agaasime Waaxeedyada Madaxtooyada iyo hawl-wadeenno ka tirsan Xafiiska.




