Agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabadsuggida Iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Xuseen Cismaan Xuseen ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka agaasimaha Hay’adda NISA.
Munaasabad ka dhacday Xarunta Taliska Ciidamada NISA ee degmada Shibis, magaalada Muqdisho ayaa waxaa xilkii Taliyaha NISA lagu wareejiyey taliyaha cusub oo hore u ahaa wasiir ku xigeen iyo xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka.
Waxaa xil wareejinta ka qeyb galay Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, mas’uuliyiin iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, iyadoo uu xilka wareejiyay kusimihii hore ee agaasimaha NISA C/qaadir Maxamed Nuur.
Agaasime cusub Xuseen Uurkuus ayaa balanqaaday inuu la imaan doono hufnaan shaqo oo ku saleysan isbedel, isla markaana dardar gelin doono howlaha Hay’adda NISA ee xilkeeda loo dhiibay.
Wasiirka amniga Somaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa ku booriyay Taliyaha cusub ee Nabad Suggida Somaliya inuu si wanaagsan u guto shaqadiisa, wuxuuna kula dardaarmay Saraakiisha NISA inay la shaqeeyaan hoggaanka cusub.