Saturday, April 20, 2024

Agaasimaha NISA oo Garoonka Muqdisho u tegay Wafdi Gurmad ah oo ka yimid Itoobiya

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray Gurmad dhaqaatiir iyo gargaar dawo iyo Raashin ah oo ka yimid dalalka deriska ah sida Jabuuti, Itoobiya yo Kenya.

Waxaa gurmadka la wareegay Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda, iyadoo dalalkaasi ay kasoo jawaabteen baaqii madaxda dowladda Soomaaliya ee ahaa in loo so odiro Dhaqaatiir iyo Dawo si loola tacaalo dhaawacyada qaaxyadii Soobe 2.

Agaasimaha hay’adda NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa qeyb ka ahaa soo dhoweynta wafdigii dowladda Itoobiya ka yimid Gargaarkii ay soo direen, taasoo lagu fasiray inay deeqda Itoobiya ka duwaneyd gurmadyadii dalalka kale.

Ad

Wararka qaar ayaa sheegaya in Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Itoobiya ay la socdeen Diyaaradda Itoobiya, halka Agaasimaha NISA uu dood ka dhaliyey Baraha bulshada, iyadoo lagu tilmaamay Mas’uul Amnigii loo xilsaaray ka tegay oo mucaawimo u wateegtay.

Wafdiga Itoobiyaanka ayaa la sheega yinay ahaayeen dhaqaatiir ka qeyb qaadan doonta daweynta dhaawacyada Qaraxyadii ee 29-kii October ka dhacay isgoyska Zoobe ee Muqdisho.

Diyaaradda Dowladda Kenya soo dirtay ayaa siday Shixnad isugu jirtay cuntooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin Hilib Lo’da, Baradhada qallalan, Basasha, Rooti, Karootada, iyo Khudaarta isku dhafka ah ee laga farsameeyay Warshadda Soo saarista Cuntada ee ciidamada Kenya KDF. Sidoo kale waxaa xirmada ku jiray daawooyin kala duwan oo ka yimid Agaasinka Adeegyada Caafimaadka ee KDF oo loo qorsheeyay in dib loogu qeybiyo isbitaallada Soomaaliyeed ee wax u qabta dhibanayaasha weerarka argagixsada.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON