Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegayaa in agaasimihii hore ee Hay’adda NISA uu la wareegay xilkii uu u magacaabay madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada ayaa la sheegay inuu xilka La-taliyaha Amniga Qaranka ee Farmaajo kula wareegayay Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasin Xaaji Dahir.
La-taliyihii Amniga ee hore Cabdi-Said ayaa sidoo kale noqday Agaasimaha Madaxtooyada oo muddo bilo ah aan lahayn wax agaasime ah, waxaana xafladda ka qeyb galay xubno kooban oo madaxtooyada ka howlgala.
Farmaajo ayaa 7-dii bisha September 2021 u magacaabay Fahad Yaasiin la-taliyihiisa dhinaca Amniga markii uu xilkii agaasimaha NISA ka qaaday Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Khilaafka ka dhashay Kiiska Sarkaalad ka tirsan NISA Ikraan Tahliil oo la waayey ayaa sababay xil ka qaadista Agaasimaha NISA iyo khilaaf weli taagan oo ka dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble.

.