Friday, April 19, 2024

Agaasimihii Radio Muqdisho oo u dhintay Dhaawac kasoo gaaray Qarax Is-miidaamin ah

Agaasimihii Idaacadda Dowlada ee Radio Muqdisho ayaa la xaqiijiyey inuu u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qarax is-miidaamin ahaa.

Allaha u nariistee C/casiis Maxamud Guuled (Afrika) ayaa ku dhaawacmay qarax loogu xiray Gaari u uwatay, iyadoo uu soo gaaray dhaawac culus, waxaana goor dhow la shaaciyey inuu u u geeriyooday dhaawacii Ka so gaaray Qaraxa qof isku miidaamiyay Gaarigiisa.

Qaraxa ayaa caawa fiidkii ka dhacay aagagaarka kaalin shidaal oo ku taala degmada Shingaani, waxaana dhaawac halis ah kasoo gaaray C/casiis Afrika oo markaas kadib u geeriyooday dhawacaasi.

Ad

Agaasimaha TV-ga Dowladda SNTV Sharmarke Maxamed Warsame ayaa sidoo kale ku dhaawacmay qaraxa, isagoo la socda Gaariga qaraxa lagu xiray.

Alshabaab ayaa lagu eedeyay inay ka danbeysay qaraxa lagu dilay agaasimihii Radio Muqdisho oo ahaa muddo dher nin si weyn ula dagaalama Afkaarta Alshabaab.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON