Qoraal ka soo baxay Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa lagu sheegay in Dhismaha Guddiga aanu waafaqsaneyn Dastuurka Federaalka iyo kan Maamulka Jubbaland.
Madaxa xukuumadda Galmudug oo sidoo kale metalaya Ahlu suna ayaa sheegay in dowlad Goboleedka Galmudug ay xaq u leedahay inay aayaheeda ka tashato, isla markaana ay dhisato maamulkeeda, wuxuuna caddeeyay inaysan aqoonsaneyn Guddiga ay magacawday xukuumadda Soomaaliya, isagoo ka digay in dowladda Somalia aysan sabab u noqon qalalaase siyaasadeed iyo kala fogaasho ay dib ugu laabato Galmudug.
HOOS KA AKHRISO