Saturday, May 30, 2020
More

    Madaxweyne Farmaajo oo ka tegay dalka Itoobiya, kuna laabtay Magaalada Muqdisho

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayey ayaa goor dhoweyd dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib safar qaatay laba maalmood oo uu ku tegay dalka Itoobiya.

    Madaxweynaha ayaa Addis ababa uga qeyb galay furitaanka Beerta Midnimada ee magaalada Adddis ababa laga dhisay, wuxuuna Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ugu hambalyeeyay billadda caalamiga ah ee nabadda ee uu ku guuleystay.

    Ad

    Madaxda dalalka IGAD ee Kenya, Uganda, Sudan iyo South Sudan ayaa ka qeyb galay xafladda iyo aragga madaxa IGAD ee magaalada Addis ababa. lama soo sheegin kulan dhex maray Madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya oo ku wada sugnaa dalka Itoobiya.

    Image may contain: 3 people, people standing, suit and outdoor
    Image may contain: 2 people, people standing
    Image may contain: 2 people, people standing and suit
    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    143,320FansLike
    1,593FollowersFollow
    5,276FollowersFollow
    143,320FansLike
    1,593FollowersFollow
    5,276FollowersFollow

    WARARKA UGU SHIDAN