Kooxda Ahlu-Sunna ee uu hoggaamiyo Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax ayaa War- Cad kasoo saartay xaalada magaalada magaalada Dhuusamareeb iyo dhaqdhaqaaqa ciidan ee ay dowladda Federaalka ka wado halkaasi oo xarun u ahayd.
Warak Ahlu suna oo kasoo baxay xafiiska madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa lagu caddeeyya inuu burburay heshiiskii dhex maray Ahlu suna iyo Dowladda Federaalka, isla markaana ay dowladda ka baxday heshiisyadii ay wada gaaleen, waxayna sheegeen in degaanada Ahlu-Sunnaay dowladu ku soo daabushay saraakiil iyo ciidamo Alshabaab ku jiraan.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in AMISOM ay ka xaqiijiyeen inaysan ku lug lahayn abaabulka ay dowladda dowladda Federaalka ka wado gobolada dhexe gaar ahaan magaalada xarunta u ah Galmudug ee Dhuusamareeb.
HOOS KA AKHRISO
