Waxaa maanta magaalooyinka Muqdisho, Dhuusmaareeb iyo Garowe ka dhacay doorashada 10 kursi oo ka mdia xildhibaannada Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Doorashada oo inta badan kuraas aan tartan sax ah ka dhicin, ayaa waxaa kusoo baxay xubno la filayey inay soo baxaan oo gacantaag lagu soo saaray, halka kuwii tartanka galay tiro 90% ah kusoo baxeen, taasoo qeyb ka ah doorashada ka socota maamul Goboleedyada.
HOOS KA AKHRISO XILDHIBAANNADA IYO SIDA AY KUSOO BAXEEN
DHUUSAMAREEB
Kursiga HOP248 ee doorashadii Magaalada Dhuusamareeb oo uu hore ugu fadhiyay Maxamed Axmed Abtidoon, waxaa kusoo baxay Jen. Saadaq Cumar Maxamed Saadaq (Joon) oo helay 81 cod, halka iyo Cabdullaahi Xirsi Diirshe oo la tartamay uu helay 17 Cod.
Kursiga HOP64 waxaa hore ugu fadhiday Sahra Cumar Maalin, waxaana kusoo baxay Maxamed Ibraahim Cali (Maxamed Cajiib) oo helay 98 cod, halka Musharax Cabdullaahi Iimaan Afrax uu ka haley 2 cod.
Kursiga HOP096 waxaa kusoo baxday Qaali Axmed Diiriye oo heshay 96 cod, halka Xakiimo Xersi Cali oo tartanka ku jirtay ay heshay 4, waxaana ka aamusay 1 qof.
GAROWE
HOP128 waxaa kusoo baxay xildhibaan Maxamed Cabdiraxman Xayle oo helay 96 Cod, halka musharax Maxamed Faarax Cali oo la tartamay uu helay elay 3 Cod. Kursiga waxaa ku fadhiyey Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle Jaabiri.
Kursiga HOP232 waxaa kusoo baxday Fardowso Cismaan Cigaal oo hshay 97 cod, halka Siciido Faarax Warsame oo tartanka la gashay ay ka heshay heshay 3 Cod.
Kursiga HOP144 waxaa kusoo baxay Cabdiqafaar Cilmi Xaange oo ahaa Wasiirka Qorsheynta ee Puntland, isagoo helay 83 Cod, halka musharax Caasho Axmed Maxamed oo tartanka la gashay ay ka heshay 13 Cod.
Kursiga HOP223 kusoo baxay Xersi Jaamac Gaani oo helay 93 Cod, halka Siciid Maxamed Warsame oo la tartamay uu ka helay 3 Cod. Xeri Jaamac ayaa ahaa wasiiru dawlaha wasaaradda Maaliyada ee Jubbaland.
MUQDISHO
Kursiga HOP244 waxaa cod gacantaag ah kusoo baxay Xildhibaan Siciid Maxamed Maxamuud ayaa Cod gacan taag oo helay taageerada 101-ka Ergo, markii ay tartanka isaga hartay Musharax xildhibaan Kaltuun Xayir Jaamac.
Kursiga HOP037 waxaa kusoo baxday Ifraax Maxamed Cawad (Nooleeye), kadib markii ay tartanka isaga hartay musharax Caasha Cabdilaahi Warsame oo la tartami lahayd. Xildhibaan Ifraax Maxamed Cawad ayaa cod gacantaag ah ku heshay 99 cod.
Kursiga HOP238 waxaa kusoo baxay xildhibaan Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir, kadib markii uu tartanka isaga haray musharixii la tartami lahaa Cabdilaahi Cabdiqani Ibraahim. Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir oo hore ugu fadhiyey kursiga ayaa cod gacantaag ah ku helay taageerada 98 Cod, waxaana ka aamustay 3 ergo.
