Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Somalia Cabdi Maxamed Sabriye ayaa markii ugu horeyay soo banhigay heshiis aan hore loo shaacin oo ay kala saxiixdeen dowladda Federaalka iyo Ahlu suna oo uu metalayey Madaxda xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir.
Heshiiskan oo wasiir Sabriye ka akhriyey kulan uu la yeeshay qaar ka mida bulshada magaalada Dhuusamareeb ayaa ka kooban 10 qodob, oo midkood uu Sheekh Maxamed Shaakir siinayo awood uu dowladda Federaalka kula magacaabayo Guddiga Farsamada ee xulista xildhibaannada cusub ee Galmudug.
HOOS KA AKHRISO HESHIISKA 10-KA QODOB
1- Si loo helo kalsooni iyo jawi xasiloon oo suurta geliya qabashada doorashooyiin xor iyo xalaal ah, waxaa lagama maarmaan ah in hay’adaha amniga ee heer Federaal iyo heer Dowlad-Goboleed ee Galmudug ay si rasmi ah isaga kaashadaan sugidda amniga caasimadda Dhuusamareeb.
2- In ciidamada dowlad Goboleedka Galmudug loo sameeyo hannaanka diiwaangelinta iyo xaqsiinta sida mushaarka iyo agabka kale ee ciidan.
3- In Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, sida kuwa gaarka u tababaran ee DANAB, Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka iyo ciidamada la diiwaan geliyay ee Galmudug, la isku dhafo si ay uga wada howlgalaan deegaanka Galmudug.
4- In qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee DANAB iyo ciidanka nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ay si rasmi ah ugu soo wareegaan xarumaha magaalada Dhuusamareeb.
5- In agoonta ciidanka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka ay helaan daryeel dowladeed oo waafi ah.
6- In magaalada Dhuusamareeb laga dhigo gogol nabadeed oo ay ka soo qeybgalaan dhammaan beelaha Deegaanka Galmudug iyo qeybaha bulshada sida Odayaasha dhaqanka, Culumada, Dumarka iyo Dhallinyarada.
7- Doorashooyiinka Galmudug waxay ka dhacayaan magaalo madaxda maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb.
8- Wasaaradda arrimaha gudaha ee Federaalka iyo Dib u heshiisiinta iyo madaxa Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa soo magacaabaya guddi farsamo ee xulista Xildhibaannada Galmudug. Guddigaas oo leh aqoon iyo qibrad maamul-dhisid ah iyo doorashooyinka.
9- In dowladda federaalka ee Soomaaliya ay dib u fasaxdo kaalmadii dhaqaale ee kabista miisaaniyadda Galmudug iyadoo la xaqiijinayo hufnaanta hannaanka maaliyadeed ee maamulka Galmudug.
10- In Dowladda Federaalka ay ka qeyb qaadato dhismaha hay’adaha dowlad-goboleedka Galmudug si loo taaba geliyo dowlad wanaag iyo nidhaan hufan oo bixin kara adeeg bulsho.