Sunday, July 6, 2025

AKHRISO: 13 Qodob oo kasoo baxay shirkii Wasiirada Amniga dowladda Federaalka & Dowlad Goboleedyada

Shirkii Wasiirada Amniga dowlada Federaalka  iyo Dowlad Goboleedyada dalka ayaa lagu soo gaba gabeeyay magaalada Garowe, iyadoo looga hadlay amniga guud ee dalka.

Gabagabada shirkan ayaa laga soo saaray 13 qodob oo ay ka mid tahay dib u howlgelinta akadeemiyaddii Carmo, la dagaalanka Al-shababa iyo qodobo kale:

Halkaan hoose ka akhriso:

1- In la dardargeliyo howlaha amniga ee dalka, ciribtirka argagaxisada, lana sameeynayo xiriir joogto ah

2- In loo guntado tayeenta iyo dib u dhiska hay’adaha maniga, loona howlgalo sidii loo dhammeytiri lahaa baahida iyo agabka ay u baahan yihiin

3- In la tayeeyo Booliiska Labadiisa heer, lana soo bandhigo baahida Booliiska Federaalka, maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir

4- In la isku waafaqay mashruuca qorshaha dib u dhiska Booliiska oo ay ku bahoobeen dowladaha Jarmal, UK iyo Midowga Yurub

5- Waxaa la isla waafaqay in la dardargeliyo lana diyaariyo xilliga kala guurka ah

6- In  la dardargeliyo tirakoobka ciidamada Booliiska guud ahaan meel walbo oo ay joogaan

7- Waxaa la isla afgartay in guddiga wasiirada amniga yeeshaan shir Saddexdii bilba mar

8- Wasaaradda amniga in ay dabagal buuxa ku sameyso taliyeyaasha ciidamada Booliiska fulinta nidaamka Booliiska cusub

9- In la xoojiyo nidaamka cusub ee Booliiska

10- In la dardargeliyo isku xirka, wada shaqeynta, xog is weydaarsiga hay’adaha amniga

11- Sameynta xafiis guud oo xog uruurin iyo xog is weydaarsi ah

12- In la mideeyo tababarka iyo manjhaka booliiska Labada heer si waafaqsan nidaamka Booliiska cusub

13- In dib loo howlgeliyo akadeemiyadii Carmo

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON