Magaalada Baraawe waxaa Maanta lagu qabtay doorashada 7 ka mida kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Federaalka Soomaaliya.
Natiijada kuraastan oo hore loo sii ogaa, waxay u dhacday sidatan:
Kursiga Tirsigiisa uu yahay HOP045 waxaa kusoo baxay Maxamuud Axmed, isagoo helay codad gaaraya 90-cod halka musharaxii la tartamayey ee Yuusuf Maxamed Cabdulaahi uu ka heley 8-cod, waxaana xumaaday Saddex cod. Kursiga HOP045 ayaa waxaa horay ugu fadhiyay Wasiirka Batroolka Xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed.
Kursiga HOP145 waxaa kusoo baxay Maxamed Cabdalla Axmed, isagoo helay codad gaaraya 76-cod halka musharaxii la tartamayey ee Cabdulaahi Ahmed Cabdi uu heley 12-cod, waxaa halaabay laba cod. Kursigan waxaa horay ugu fadhiyay Guddoomiye kuxigeenka Golaha Shacabka Cabdiweli Ibraahim Muudeey oo doorashda laga hor istaagay.
Kursiga HOP162 waxaa kusoo baxay Maxamed Cusmaan Cumar oo helay 74-cod, halka musharaxii la tartamay ee Maxamed Daliib Xasan uu ka heley 17-cod iyo 4 cod oo xumaatay. Kursigan waxaa hore ugu fadhiyay Cali Sheekh Cabdullaahi.
Kursiga tirsigiisa uu yahay HOP148 waxaa kusoo baxday Calwiya Siid Cabdullaahi, iyadoo heshay 88-cod. halka Sacdiyo Maxamed Cabduqaadir oo la tartantay ay heshay 10 cod; 2 cod ayaana halaabay. Waxaa kursiga HOP148 horay ugu fadhiday Aamina Xasan Cali oo sanadkaan laga reebay doorashada.
Kursiga HOP256 waxaa kusoo baxday Suhuur Xaaji Culusow oo heshay 87 cod, halka musharaxJiijo Axmed Iikow oo tartanka la gashay ay ka heshay 12-cod. Kursiga HOP256 hore ugu fadhiday Nadiifo Aadan Isaaq.
Kursiga tirsigiisu yahay HOP143 waxa kusoo baxay Cali Sheekh Maxamed Nuur oo markale ku noqday xildhibaan Golaha Shacabka, isagoo helay 90-cod, halka musharaxii la tartamay Cabduqaadir Maxamed Cabdullaahi uu ka helay 11-cod.
Kursiga HOP163 waxaa kusoo baxay Isaaq Maxamed Maxamuud oo mar kale xilkaasi kusoo laabtay, isagoo heley 86-cod, halka musharaxii la tartamay Cabdullaahi Cismaan Ibraahim uu ka helay 10-cod.
Magaalada Baraawe ayaa lagu doortay 20 xildhibaan, waxaana Berri la filayaa in lasoo gabagabeeto doorashada lixda kursi ee harsan.
