Waxaa xarunta Afisyooni ee magaalada Muqdiaho maanta ka furmay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo maalmo dib u dhacay.
Shirka oo uu guddoominayo Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, madaxda shanta maamul goboleed ee dalka iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Shirka waxaana looga hadlayaa Xaaladda Doorashada Doorashada Dadban, gaar ahaan Doorashada xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, taasoo Habraaceeda aan la isku waafaqsaneyn.
“Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu guddoominayo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka furmay Muqdisho, kaasoo looga hadlayo dardargelinta howlaha doorashooyinka, diyaarinta habraacyada doorashada Golaha Shacabka , raadinta dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka ee aan weli soo xaroon iyo sidii horey loogu wadi lahaa doorashooyinka dalka ka bilowday” ayaa lagu sheegay war kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha.
Guddiga Doorashada Heer Federaal ayaa dhowaan soo saaray Habraaca Doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka, kaasoo ay ka hor yimaadeen inta badan madaxda Maamul Goboleedyada.
Arrimaha ugu xasaasisan ee shirkan horyaalla, lagan sugayo inuu go’aan ka gaaro ayaa kala ah:
1- Gabagabeynta Doorashada Aqalka Sare
2- Qorsheynta iyo Habraaca Doorashada Golaha Shacabka
3- Dhaqaale u helidda Doorashada iyo Diyaarinta Miisaaniyadda
4- Khilaafyada Doorashada magaalooyinka Garbahaarey iyo Beledweyne
4- Iyo Dood culus oo ka taagan awoodaha madaxda maamul Goboleedyada ee Doorashada Golaha Shacabka oo ah qodobka ugu culus ee kusoo biiray arrimaha Doorashada.
Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa lagu eedeeyay inay awood u adeegsadeen Doorashadii Aqalka Sare, iyadoo musharixiinta badna ka xayiray inay tartamaan, soona saartay saaxiibo iyo siyaasiyiin ay wateen, taasoo dhalisay guux weyn oo looga deyriyey sida Doorashada ku bilaabatay.
