Thursday, April 18, 2024

AKHRISO: Doodii ugu kululeyd ee Amniga Caasimadda oo ka socota Baarlamaana & Eeyo wax baara oo la geeyay

Waxaa maanta dib uga  furmay xarunta Baarlamaanka Muqdisho Kulanka 2-aad ee kalfadhiga 4-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo dood kulul ay is weydaarsadeen xildhibaannada.

Kulanka waxaa shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, waxaana soo xaadiray 168 Xildhibaan, iyadoo ajendaha laga doodayey uu ahaa Xaalada amni ee dalka gaar ahaan amniga Muqdisho.

Xildhibannada qaarkood ayaa ku dooday in amniga faraha ka baxay oo xukuumadda Ra’iisal wasaare Kheyre laga  doonayo inay is casisho mar haddii ay ku fashilantay howshii ugu weyneyd ee loo igmaday.

Ad

Xildhibaan Maxamed Gabey oo ka hadlayey kulanka amniga ee golaha shacabka ayaa yiri: “Waxaan leeyahay… Fadlan ra’isul wasaare is casil waad fashilantay, shaqadii xukuumadaada waxayku soo aruuray facebook iyo twitter..”

Xildhibaan Caasho Koos ayaa dhinaceeda sheegtay inaysan wax kalsooni ah ku qabinciidamada dowlada ee wadooyinka jooga, balse ayba ka baqdo qaarkood, waxayna intaas ku dartay in amnigooda halis ku jiro.

Hab-dhowraha golaha shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdulaahi Xasan Nuux ayaa ku wargeliyey xildhibannada in amniga xarunta Baarlamaanka lagu soo kordhiyay eeyaha wax baara, si loo xoojiyo nabadgelyada.

- Advertisement -

Laakiin waxaa arrintaasi ka hor yimid xildhibaanno uu ka mid yahay Shariif Maxamed Cabdalla oo golaha ka hor sheegay inaan la aqbali karin in Eeyo ay baaraan baabuurta xildhibaannada.

Xildhibaan Sadiiq Warfaa ayaa dhinaciisa sheegay in xildhibaannada looga baahan yahay inay u mahadceliyaan ciidamada naftooda u huray amnigooda, wuxuuna ku dooday  “Waa inaan u mahadcelinaa dadaalka ciidanka Amniga, anaguna aan gacan ku siinaa oo amnigana aan ka wada shaqeynaa”.

Waxaa la filayaa in loo yeero qaar ka mida wasiirada xukuumadda Soomaaliya si wax looga weydiiyo arrimaha amniga oo dhibaato badan ka taagan tahay, xildhibaannaduna ku kala qeybsan yihiin qaabka loo wajahayo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON