Kulan ay maanta Muqdisho ku yeesheen xidhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa lagu ansixiyay qodobo dhowr ah oo ku saabsan Doorashada Madaxweynaha.
Xildhibaanada labada gole ayaa kulankooda waxay isku afgarteen qoddobo dhowr ah oo qarkood loo codeeyay, iyadoo ay kasoo baxeen go’aanda kala ah:
1 = In tirada Guddiga doorashada Madaxweynaha ay noqoto 16 mudane, oo 10 xubnood ay ka imaaneyso Golaha Shacabka, halka 6 xubnood ay ka imaanayaan Aqalka Sare.
2 = In Guddiga Doorashooyinka Heer federaal ay goobjoog ka noqdaan doorashada Madaxweynaha dalka.
3 = In ciidamada ammaanka ee xaqiijinaya nabadgelyada Doorashada Madaxweynaha ay ka amar qaataan Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya.
4 = Lacagaha laga qaado Musharaxiinta madaxweynaha kala bar (50%) lagu bixiyo abaaraha ka jira dalka.
5 = In musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha su’aalo dood wadaag ah la weydiiyo.
6 = In la sameeyo Guddiga Madaxa Banaan ee ka hortaga Musuqmaasuqa Doorashada.
Qodobadan ayaa sida loo fulinayo ay waqti u baahan tahay iyadoo laga cabsi qabo in waqti dheeraad ah ay qaadato doorashada Madaxweynaha, waxaana weli socda kulanka labada Gole.
Goobjooge.com