olaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa shirkoodii toddobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Kismaay, iyadoo laga soo saaray go’aano.
Waxaa shirka guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda, waxaana ku wehliyay ku xigeenkiisa, waxaana go’aanada shirka ku qabsoomay magaalada Kismaayo ka mida:
1- Waxay Golaha Wasiiradaansixiyeen Sharciga Saxaafada oo dib u eegis lagu sameeyay.
2- Waxaa shirka lagu ansixiyay Sharciga Waxbarashada oo ay soo diyaarisay Wasaaradd Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.
3- Waxaa kaloo shirka lagu ansixiyay xuquuqda Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, iyadoo ay tahay markii ugu horeysay dowladda Soomaaliya ay xuquuq gaar ah u sameyso madaxda dalka soo maray.
Shirka ayaa ku soo gabagaboobay jawi wanaagsan, iyadoo wasiirada shirka u aaday magaalada Kismaayo ay dib ugu soo laaban doonaan Muqdisho. Waxayna dadka qaarkii tallaabadan u arkaan mid waqti iyo kharash lagu bixiyay.