Thursday, June 26, 2025

AKHRISO: Labada Halis ee Madaxweyne Farmaajo ku dhex jiro iyo Xaaladda Doorashada 2021

Iyadoo is mari waagga Doorashada 2021 uu sii xoogeysanayo ayaa waxaa sii kordhay loolanka u dhaxeeya labada dhinac ee dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ay wehliyaan musharxiinta ee diidan qaabka loo hirgelinayo Doorashada.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland iyo mushariixinta Madaxweynaha oo dhinac kasoo jeeda ayaa Madaxweyne Farmaajo ku cadaadinaya inuu isbedel ku sameeyo qaabka uu u qorsheystay Doorashada si dib loogu doorto, waxayna ka doonayaan tanaasul uu la yimaado xalinta arrimaha Gedo, bedelka xubnaha Guddiyada Doorashada iyo Guddiyada Somaliland.

Kadib heshiisyadii Dhuusamareeb I, II, III oo kusoo dhammaaday heshiiskii Doorashada dadban ee 17-ka September 2020 ka dhacay Muqdisho iyo is mari waaga kasoo laabtay qodobadda la isku hayo waxay Madaxweyne Farmaajo iyo dowladdiisa u dhoweeyeen halis ah inuu waqtiga ka dhammaado iyadoo khilaafkii doorsahada taagan tahay, wax doorasho ahna aanay socon.

Madaxweyne Farmaajo oo waqtiga ka haray muddo xileedkiisii sharciga ahaa uu maalmo kooban yahay, isla markaana uu hore waqtiga uga dhammaaday labada Aqal ee Baarlamaanka, ayaa halis ugu jira inay talada farihiisa ka baxdo marka la gaaro 8-da Febraayo 2021. Xiligaas wuxuu wajihi doonnaa dood sharciyeed ku saabsan inuusan go’aan gaari karin, lana siman yahay musharixiinta kale.

Arrintan waxay keentay inuu madaxweyne Farmaajo go’aansado, kuna riixo Ra’iisal wasaaraha iyo saddex maamul Goboleed ku riixo inay ku dhawaaqaan Doorasho la aadayo, lagana soconayo maamulada diidan ee Puntland iyo Jubbaland, wuxuuna dadaal xoog leh ugu jiraa sidii mar uun loo bilaabi lahaa Doorashada Aqalka Sare, laakiin wuxuu wajahayaa diidmo culus oo ay wadaan dhinaycada ka horjeeda.

Farmaajo wuxuu fashil kale u arkaa in muddo xileedkiisa dhammaado iyadoo aanay doorasho socon, taasoo ka dhigi doonta sharci ahaan madaxweyne xilka sii haya oo aan awood rasmi ah lahayn, waana taariikh siyaasadeed cusub oo mado.

Dagaalka ugu dambeeya ee Doorashada 2021 wuxuu hadda isugu biyo shubtay laba Halis oo heysta Madaxweyne Farmaajo, kuwaasoo kala ah: Sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha horyaalla Doorashada oo haddii uu aqbalo noqonaya kuwo ku adag oo halis ku ah dib u doorashada uu diyaarsaday; ama inuu ku socdo Doorasho aan loo dhammeyn oo iyaduna qalalaase dhalin karta, dalkuna kusii kala qeybsami karo.

Haddii Madaxweyne Farmajo iyo la-taliyeyaashiisa ku adkeystaan doorasho aan loo dhammeyn Wuxuu dalka u jiheysan doonaa xaalad aan la ogen oo mugdi iyo halis badan leh, haddiise uu aqbalo inuu dantiisa gaarka ah uga tanaasulo danta guud ee Qaranka oo rajo yar laga qabo mid Soomaaliya uga gudubto xaaladan adag.

GOOBJOOGE

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON