Sunday, June 22, 2025

Koongareeska Mareykanka oo bilaabay Maxkamadeyn cusub oo lagu casilayo Madaxweyne Trump

Golaha Wakiilada Koongareeska Mareykanka ayaa bilaabay qaraar lagu casilayo Madaxweynaha waqtiga kasii dhammaanayo ee Donald Trump.

Qaraarka 21 ayaa ugu baaqaya Madaxweyne ku-xigeenka Mike Pence inuu dhaqan geliyo qodobka 25-aad ee Dastuurka oo ugu baaqaya inuu xilka ka casio Madaxweyne Trump, iyadoo lagu eedeeyay inuusan sii wadi karin xilka Madaxweynaha.

Qaraarkan ayaa Trump ku eedeynaya inuu kiciyo rabshado keenay in taageerayaashiisa ay xoog ku galaan Koongareeska Mareykanka, waxaana qaraarka oo goor dhoweyd lagu soo bandhigay Golaha wakiilada in aqlabiyad lagu ansxiyo xubin ka mida xisbiga Jamhuuriga, waxaana dib loogu dhisay Arbacada.

Ad

Haddii Madaxweyne ku xigeenka Mike Pence uu ka gaabsado inuu casilo Madaxweyne Trump oo 9 maalmood uga harsan tahay mudadda xilkiisa ayaa la filayaa in xisbiga Dimoqraadiha uu bilaabo maxkamadeynta labaad ee Madaxweyne Trump iyo Mooshinka xilka looga qaadayo.

Ujeedka Xisbiga Jamhuuriga uga dan leeyahay in la casilo Madaxweyne Trump ama Mooshin labaad xilka looga qaado ayaa ah inuusan mar dambe xil federaal ah ka qaban Mareykanka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON