Sunday, June 22, 2025

Akhriso: Labada Qodob ee Shirkii Wadatashiga Qaran ku taageeray Qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh

Waxaa Maqribnimadii caawa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirka wadatashiga qaran ee madaxweyne Xasan Sheekh ku baaqay ee socday, iyadoo laga soo saaray war-murtiyeed.

Shirka waxaa isugu yimid Madax hore, ururrada siyaasadda Puntland iyo Muqdisho, Qeybaha bulshada iyo madaxda dowladda Federaalka, waxaana qaadacay siyaasiyiinta mucaaradka, iyadoo lagu tilmaamay shir ay yeesheen dowladda iyo taageerayaasheeda.

Qoddobada ugu muhiimsan ee war-murtiyeedka ahaa ah laba qodob oo ku saabsan Wax ka bedelka Dastuurka iyo Doorashooyinka Qof iyo Cod, wuxuuna shirku taageeray qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh ee bedelka dastuurka iyo doorashada.

Ad

HOOS KA AKHRISO LABADA QODOB

DHAMEYSTIRKA DASTUURKA
Gogoshu waxaa ay garowsatay in dastuurku uu yahay dukuminti nool mar walbana u furan in wax-kabedel lagu sameeyo.
Gogoshu waxay ku talisay in afarta cutub ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ansixiyay iyo cutubyada kale ee aan weli la ansixinin ay siyaasiinta Soomaaliyeed wixii aragti ah ay ka qabaan laga wadahadlo, iyadoo loo marayo habraaca dastuurku uu tilmaamayo.
Iyadoo la ilaalinayo mabaadii’da guud ee aas-aasiga ah ee Soomaalida heshiiska ku tahay, gogoshu waxaa ay adkaysay in dhamaystirka dastuurku yahay waajib iyo ahmiyad qaran.
• Gogoshu waxay ku talisay in wadahadal lagu dhameystiro heshiisyada iyo xeerarka gun-dhigga u ah federaalaynta dalka ee dastuurka.

Dimuqraadiyaynta iyo Doorashooyinka
• Gogoshu waxay isla qaadatay in doorasho dadban nooc kasta oo ay tahay aan dib loogu noqon.
Iyadoo laga ambaqaadayo khibradaha dhanka dimuqraadiyaynta iyo doorashooyinka ee maamulada Somaliland iyo Puntland, gogoshu waxaa ay hoosta ka xariiqday in si deg deg ah loo qabto doorashada dawladaha hoose ee deegaanada kale ee dalka, si geeddi-socodka doorashooyinka dalka uu isu soo gaaro.
Si loo ilaaliyo xasilloonida siyaasadeed ee dalka, gogoshu waxay dhiirigelisay inay sii socdaan wadahadalada heshiis dhamaystiran oo loo dhan yahay looga gaarayo doorashooyinka labada heer ee dawlad goboleedyada iyo dawladda Federaalka (Baarlamaanka iyo Madaxweynaha).

- Advertisement -

orashada dawladaha hoose ee deegaanada kale ee dalka,” ayaa lagu yiri War-murtiyeedka.

War-murtiyeedka oo dhameystiran:

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON