Sunday, July 13, 2025

Akhriso: Liiska kuraastii ugu danbeysay ee lagu dooranayo Baydhaba (Kursiga Lafta-gareen oo…)

Guddiga Doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed ayaa goor dhoweyd shaaciyay kuraastii ugu dambeysay ee golaha shacabka Baarlmaanka Federaaka.

7 kursi ee ka harsan xildhibaannada laga soo doorto K/Galbeed ayaa dorashadooda la qaban doonaa maalinta Talaadada ah ee 15-ka bishan Maarso 2022 oo ah xilliga ugu dambeeya ee loo qabtay in lagu soo afjaro doorashada 2022.

Kuraasta la shaaciyey waxaa ka mida kursiga ay leedahay jufada Madaxweynaha K/Galbeed C/casii Lafta-gareen oo laga cabsi qabo inuu isku sharxo xilkaasi ugu danbeynta, taasoo qeyb ka ah qorshe uu kula jiro kooxda Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Liiska kuraasta la shaaciyey ayaa kala ah:

1- HOP181: Waxaa hore ugu fadhisay Maryan Macalin Isaaq.

2- HOP204: Waxaa hore ugu fadhiyey Macalin Cali Aadan, waxaana sheegay inuu u sharxan yahay wasiirka Cadaallada xukuumadda xilgaarsiinta.

3- HOP197: waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey Cabdifitaax Maxamed Ibraahim Geeseey

4- HOP179: Waxaa hore ugu fadhiyey xildhibaan Maxamed Axmed Maxamed ( Garweyne)

5- HOP172: waxaa hore ugu fadhiyay Cali Cadow Maxamuud, waana kursiga la sheegay inuu damaca uga jiro Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Lafta-gareen, halka warar kale sheegayaan inuu u xiri doono Taliyaha Ciidamada Asluubta Jen. Mahad C/raxmaan (Taliye Shub).

6- HOP164: Waxaa kursigan ku fadhiyey Maxamed Isaaq Fanax

7- HOP047: Kursigan waxaa hore fadhiday Wasiirka Haweenka Xukuumadda xilgaarsiinta Xaniifo Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ku weysay markii walaalkeed laga dhigay Senator ka tirsan Aqalka Sare.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON