Waxaa magaalada Boosaaso maanta ka dhacday doorashada 16 kursi oo ka mida Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
XIldhibaannada soo baxay ayaa dhammaantood ku yimid xulashada madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni oo u sharxan xilka Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana tartanka laga reebay dhammaan siyaasiyiinta kale ee aanu dooneyn Siciid Deni.
Liiska xildhibananada Boosaso kasoo baxay waxay kala yihiin:
1- Maxamuud Axmed Aadan (Geesood) ayaa ku soo baxay kursiga HOP157 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka federaalka. Waxaa kursigan hore ugu fadhiyey Mohamed Abdullahi Farah.
2- Cabdicasiis Maxamed Qambi ayaa ku soo baxay kursiga HOP227 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka. Kursiga isaga ayaa hore ugu fadhiyey, iasgoo ahaa Wasiir Ku Xigeenka Cadaaladda xukuumadda Federaalka.
3- Jen. Bashiir Cabdi Maxamed – Taliyihii hore ee Booliiska Soomaaliyeed oo xilligan ahaah la-taliyaha madaxweyne Deni ayaa ku soo baxay kursiga HOP273.
4- Marwo Cabdi Bashiir Xaaji ayaa kusoo baxday Kursiga HOP234, waxaa Cod gacan taag ah ku guulaysatay. Waa haweeneyda kaliya ee maanta kusoo baxday Doorashada Boosaaso.
5- Muuse Axmed Ismaaciil [Siciid Daahir] ayaa ku soo baxay kursiga HOP076 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka, isagoo mar kale kusoo laabtay kursiga oo uu hore ugu fadhiyey.
6- Cali Mahdi Maxamed ayaa ku soo baxay kursiga HOP169 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya. waxaana kursigan hore ugu fadhiyey Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan.
7- Maxamed Bashiir Cali [Baxnaan] ayaa kusoo baxay Kursiga HOP083 ee Golaha Shacabka. 97 ergo ayaa gacantaag ugu codeysay.
8- Cali Xaaji Daahir Saleebaan ayaa kusoo baxya kursiga HOP220, iyadoo uu hore ugu fadhiyey C/rashiid Maxamed Xasan.
9- Faysal Axmed Maxamud ayaa kusoo baxay kursiga HOP149, iyadoo uu hore ugu fadhiyey Ahmed Ismail Mohamed.
10- Saddaam Maxamuud Cabdi ayaa kusoo baxay kursiga HOP158. Waxaa kursigan hore ugu fadhiyey Cilmi Cumar Cilmi.
11- Siciid Cali Muuse ayaa kusoo baxay kursiga Kursiga HOP027, markii gacantaag lagu kala baxay, waxaana kursigan hore ugu fadhiyey Wasiirka Beeraha Siciid Xuseen Ciid.
12- Maxamed Aadan Diini ayaa kusoo baxay kursiga tirsigiisu yahay HOP036, waxaana hore ugu fadhiyey xildhibaan hore Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo si weyn u taageersanaa Farmaajo, balse ay xilli danbe isku dhaceen.
13- Caynaanshe Yusuf Xuseen ayaa kusoo baxay kursiga HOP222, markii gacantaag lagu ayiday, waxaana hore ugu fadhiyey Cumar Ismaaciil Waaberi.
14- Cabdilaahi Faarax Mire ayaa kusoo baxay Kursiga HOP228, oo cod gacantaag ah ku helay, waxaana kursiga ku fadhiyey Ex. xildhibaan Maxamud Axmed Ciise.
15- Ismaaciil Shire Jaamac ayaa kusoo baxay HOP142 oo cod gacantaag ah kursiga ku helay, iyadoo uu kursigan hore ugu fadhiyey Wasiiru dowlaha Maaliyadda xukuumadda Federaalka Maxamud Xayir Ibraahim.
16- Maxamed Cabdiqaadir Maxamed ayaa kusoo baxay Kursiga HOP190, markii cod gacantag ah kalsooni lagu siiyey, wuxuuna ugu danbeeyaya xildhibaannada kasoo baxay magaalada Boosaas oo hal gelin lagu soo gabagabeeyay.
