Waxaa maanta magaalada Garowe lagu soo gabagabeeyay Doorashada Lixdii kursi ee u dambeysay Puntland ka soo galay Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.
Doorashada oo ahayd mid gacantaag ah oo xubnaha kusoo baxaya hore loo orgaa ayaa muddo kooban agu soo af-jaray, waxaana kuraastaasi kusoo baxay:
1- Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladhiif Muuse Nuur Sanyare ayaa kusoo baxay guuleystay kursiga HOP#199 markii loo xiray.
2- Cusmaan Cali Yuusuf ayaa kusoo baxay kursiga HOP#198. Cusmaan ayaa hore u ahaa Agaasimaha Wasaaradda Duulista Hawada Puntland.
3- Eng. Maxamed Cabdullaahi Kayse ayaa kusoo baxay HOP#073.
4- Xildhibaan Sacdiyo Xaaji Yaasiin Samatar ayaa ku guuleysatay kursiga HOP#129, iyadoo mar kale kusoo laabatay Baarlamaanka.
5- Cabdullaahi Maxamed Jaamac ayaa kusoo baxay kursiga HOP#191.
6- Cabdirisaaq Xasan Axmed ayaa kusoo baxay kursiga HOP#221. Cabdirisaaq ayaa ka mid ahaa saaakiisha sare ee Ciidamada Badda Puntland ee PMPF.
Guud ahaan 37 kursi ee laha soo doorto Puntland ayaa ku yimid xulashada Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni oo u sharxan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
