Guddiga Ra’iisal wasaaraha u saaray baarista falkii Afgenbiga ahaa ee 27 Disembar ka dhacay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha iyo Golaha Wasiirada ayaa dalbaday shan sarkaal oo baaritaan lagu sameynayo kaalintoodii.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda xilgaarsiinta Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa qoraal u diray Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Janeraal Odawaa Yuuisf Raage, imago ku dalbaday in loo yeero Shan Sarkaal oo ka tirsan Guutada 77-aad iyo ururka 60-aad ee ilaalada Madaxtooyada, oo lagu tuhunan yahay ku lug lahaanshahooda falkii 27 December.
Saraakiishan waxaa ka mida: Taliyaha Guutada 77aad iyo Abaanduulaha Guutada ee Koofiyo casta Ilaalada Madaxtooyada, waxaynay magacyadooda kala yihiin.
1. Gaashaanle Sare Xasan Aadan Dhicis Taliyaha Guutada 77aad.
2. Gaashaanle Shaafici Nuur Axmed Abaanduulaha Guutada 77aad.
3. Gaashaanle Dhexe Cabdi Yaasin Cali Kooshin Taliyaha Ururuka 60aad ee Guutada 77aad.
4. Gaashaanle Xasan Duwane Cumar Abaanduulaha Ururka 60aad
5. 2 Xidigle Muuse Maxamed Caddow (Shaarib) Taliyaha Koox Horinta Gurmad Ururka
60aad
Taliyaha ciidamada xoogga dalka Jen. Odowaa ayaa laga dalbaday inuu saraakiishan soo xaadiriyo maalinta sabtida ee 8 Janaayo 2022, Xafiiska Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
